Wariye Cabdulqaadir Nadaara oo noqday Lataliyaha RW Kheyre

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Sabti ah u magacaabay Wariye Cabdulqaadir Maxamed Abshir (Nadaara) Lataliyihiisa dhanka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaare Kheyre, ayaa lagu magacaabay Wariye Nadaara, oo 2015 illaa 2016 soo noqday Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia iyo Latalihiisa dhanka Warbaahinta.

Magacaabista ayaa timid markii uu Ra'iisul Wasaaraha arkay inay jirto baahi ah in la dardar-geliyo arrimaha la xiriira Warfaafinta iyo wacyi-gelinta.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ayaa wado Olole ay ku magacaabayaan Lataliyaal fara badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM