Wariye ku Geeriyooday Qarax Muqdisho ka dhacay.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxa fiidnimadii xalay ka dhacay makhaayad ku taala agagaarka xarunta Hay'dda Nabad Sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa ku geeriyooday dhawr qof oo uu kamid yahay, weriye Cabdifataax Macalin Nuur"Qeys".

Marxuum Qeys ayaa ugu geeriyooday isbitaalka Dhaawicii Qaraxa.

Wariyahaan ayaa muddo dhawr iyo toban sano ah kasoo shaqeeyay warbaahinta magaalada Muqdisho isaga oo haatan ahaa Agaasimaha telefishinka Somalicable.

Jaamacadda Muqdisho ayuu ka qaatay shahaadada heerka koowaad iyo Saxaafadda iyo Siyaasadda isaga oo xubin ka ahaa naadiga/Ururka Qalinjabiyayaasha jaamacadda.

Dadka yaqaanay waxay ku tilmaameen weriye toosan oo ka dhawrsanaa dabeecado inta badan gaabis ka dhigay dadaalka wariyayaasha isaga oo lahaa hiigsi horumarineed.

Geerida Qeys ayaa qeyb ka noqonaysa xanuunka joogtada ah ee ay la kulmaan bahda warbaahinta ee gudaha Soomaaliya iyada oo sanad kasta tiro badan lagu dilo gudaha dalka halka tiro intaas ka badan ay dalka isaga cararaan iyaga oo raadinaya meel ay ku nabad galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM