Warsame: Boobka doorashada waa wado uu Farmaajo jideeyey

Image
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa qoraalkan ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jideeyay boob doorasho, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabaca ciwaankiisa gaarka ah Facebook-giisa, ayaa xusay in Farmaajo ku fashilmay hogaanka dalka.

Sida laga soo xigtey Warsame oo afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradka ugu weyn ee dowladda, Farmaajo wuxuu ka gaabiyey balanqaadyadiisii ugu waaweynaa kahor xilheynta.

"Afartii sano ee muddo xileedka maamulkiisa iyo ku dhowaad sanad sharci darrida ah, Farmaajo Dastuurkii dalka ma qabyo tirin, doorasho qof iyo cod ahna ma qaban, 4.5 lagama gudbin, Somaliland lama heshiinin, Al-Shabaab lagama adkaanin, AMISOM lagama maarmin, welina beesha caalamka ayaa biilka bixisa," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu ku daray: "Dhaqan siyaasadeedkii suubbanaa ee sanadahan lagu soo dhaqmayey ee ahaa in afartii sano doorasho si nabad xilka lagula kala wareego, waa diiday oo boob iyo fowdo ayuu u wadaa".

"Boobka doorashada waa wado uu Farmaajo jideeyey, qofkii ku raacana isaguu la mid yahay, qofkii maxlal iyo malxiisa ka noqda ka daran, qofkii hor istaagana dulmi iyo burbur ayuu diiday," ayuu xusay.

Farmaajo oo maamulkiisa ay u dhamaatay afarta sano ee sharciyadda ahayd ayaa haatan xafiiska baaqi kusii ah muddo ku dhow hal sano isaga oo wali wajahaya eedeymo ku saabsan xukun jaceyl.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM