Wasaaradda Caafimaadka oo dalka ka ceyrisey agaasimihii Isbitaalka Digfeer

Image

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa sheegay in uu shaqada ka ceyriyey agaasimihii guud ee Isbitaalka Digfeer, ka dib markii ay isku waafaqi waayeen hanaanka shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda iyo Isbitaalka.

Wasiirka oo ka hor hadlayay Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Agaasimaha Guud ee ay Dowladda Turkiga u soo magacawday Isbitaalka uu diiday in uu la shaqeeyo Wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka: "Agaasimaha Isbitaal Digfeer oo u dhashay dalka Turkiga, wuxuu ka dhaga adeegay Wadashaqeyntii wasaaradda Caafimaadka, Shaqadii ayaan ka joojinay, sidoo kalena dalka waan ka saarnay."

Agaasimaha ayaa lagu eedeeyay in uu si qaldan ula dhaqmay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku sugan Isbitaalka, isagoo diiday inuu tixgeliyo ku xigeenkiisa oo ay magacawday Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in agaasime ku xigeenku ay dhawr jeer ka cabatay hab maamulka agaasimaha guud isaga oo u diidey in ay Isbitaalka shaqo ka qabato, halka ay Wasaaradu la soo xiriirtey agaasimaha, balse waxa uu ku adkeystey mowqifkiisa.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay u gudbisay dowladda Turkiga warqad ay kaga dalbanayso in dalka laga ceyriyo agaasimaha guud.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ay sheegtey in go’aanka masaafurinta ay ku raacsan tahay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kaasoo dhaqan galay shalay 18-ka July.

Isbitaalka Erdogan ee ku yaalla Muqdisho waxaa si buuxda u maalgeliya dowladda Turkiga, waxayna xaq u leeyahiin in xilka agaasimaha guud ay u magacaabaan muwaadin Turki ah, halka Wasaaradda Caafimaadka ay xaq u leedahay inay magacowdo agaasime ku xigeenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM