Wasiir Juxa, ku xigeenadiisa iyo RW Khayre oo kulmey, Agasimhii oo aqbaley xill ka qaadistii

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan maanta isugu yimadeen Ra'isal wasaraha Somalia, Wasiirka arimaha dibada iyo ku xigeenadiisa ayaa ku soo dhamaadey is-afgarad iyadoo Wararka GO soo gaaraya sheegayaan in mas'uuliyinta wasaarada balan qaadeen in arimahii jirey maalmihii ugu dambeeyey lagu dhameeyo wadahadal.

Kulankaan ayaa yimid maalmo kadib markii khilaaf dibada u soo baxay uu sababey in qoraal ay soo saareen Wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha kaa soo ay ka hor-imaanyeen go'aan wasiirka wasrada shaqada kaga fariisanayo Agaasimaha wasaarada.

Agaasimahii hore ee wasaarada arimaha gudaha ayaa aqbaley go'aankii Wasiirka shaqada kaga fariisinayey kadib markii cadaadis kaga yimid xildhibaano beeshiisa ah iyo siyaasiyiin kale.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdi Farax Siciid ayaa hor-tagey maanta guddiga joogtada ah ee Barlamanka Federalka Somalia u qaabilsan arimaha gudaha kuwasoo wax ka waydiiyey arimo ku saabsan shaqooyinka wasaarada.

Wasiirka arimaha gudaha Somalia ayaa waxaa la rumeysan yahay tan iyo intii uu xilkaan qabtey  in culeysyo siyasadeed ka haystaan fakarkiisa ku aadan arimaha Federalka dalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM