Wasiir Juxa, ku xigeenadiisa iyo RW Khayre oo kulmey, Agasimhii oo aqbaley xill ka qaadistii

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan maanta isugu yimadeen Ra'isal wasaraha Somalia, Wasiirka arimaha dibada iyo ku xigeenadiisa ayaa ku soo dhamaadey is-afgarad iyadoo Wararka GO soo gaaraya sheegayaan in mas'uuliyinta wasaarada balan qaadeen in arimahii jirey maalmihii ugu dambeeyey lagu dhameeyo wadahadal.

Kulankaan ayaa yimid maalmo kadib markii khilaaf dibada u soo baxay uu sababey in qoraal ay soo saareen Wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha kaa soo ay ka hor-imaanyeen go'aan wasiirka wasrada shaqada kaga fariisanayo Agaasimaha wasaarada.

Agaasimahii hore ee wasaarada arimaha gudaha ayaa aqbaley go'aankii Wasiirka shaqada kaga fariisinayey kadib markii cadaadis kaga yimid xildhibaano beeshiisa ah iyo siyaasiyiin kale.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdi Farax Siciid ayaa hor-tagey maanta guddiga joogtada ah ee Barlamanka Federalka Somalia u qaabilsan arimaha gudaha kuwasoo wax ka waydiiyey arimo ku saabsan shaqooyinka wasaarada.

Wasiirka arimaha gudaha Somalia ayaa waxaa la rumeysan yahay tan iyo intii uu xilkaan qabtey  in culeysyo siyasadeed ka haystaan fakarkiisa ku aadan arimaha Federalka dalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM