Wasiir Juxa oo Muqdisho ka furay shirka Xasilinta

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaaliya - Wasiirka Arrimaa Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Somaaliya, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Bilaha ee Xasilinta dalka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha maamul goboleedyada, Madax ka socoto Beesha caalamka, ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM, Peter de Clercq iyo Danjiraha Ingiriiska David Concer.

Wasiir Juxa, oo shir Gudoominayay Kulanka, ayaa sheegay in Mas'uuliyiinta goobjooga ahaa, ay isla gorfeeyeen sidii loo heli lahaa qorshe midaysan oo la xiriira Xisilinta dalka Somaaliya.

Juxa wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladda Somaaliya ay ka shaqeynayso Xoojinta xiriirka Dowlad Goboleedyada, maadaama Wadajirka muhiim u yahay xasilinta dalka iyo Baahinta awooda dowladda.

Xaslinta dalka waxay ka billaabatay degmooyinka laga saarey Al shabaab, oo hadda dowladda Federaalka Somaaliya ka hergelinayso adeegyada Bulshada, iyadoo laga shaqeynayo in dagmo walba dadkeeda ay helaan maamul ay soo doorteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM