​Wasiir Juxa: Shirkan hordhac ayuu u yahay Dib u heshiisin dhab ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka dowladda Federaalka Somalia Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa si rasmi ah maanta u daah furey shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xaalkooda, kaasoo lagu qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socdey Maamul Gaboleedyada,Odayaasha dhaqanka,Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada ka laga gaaro shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khader) ayaa u mahed celiyey madaxda Wasaarada Arimaha Gudaha,maadaama wakhtii loo baahnaa ay qabteen Shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisiinta Dalka. Waxuuna cadeeyey in wadatashigan uu qeyb ka yahey dib u soo celinta dalka maadaama uu yahey mid Qaran.

“Waxaa loo baahan yahey in la sameeyo dib-u-heshiisin Siyaasadeed iyo mid Diimeed si loo helo kalsooni shacab taasina waxaa looga baahan yahey in looga doodo sidii loo heli lahaa kulan kan inta uu socdo,” Ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xogeenka Soomaaliya ayaa u soo jeediyey ka qeyb galaaysha shirka iney Dib-u-heshiisiinta Dalka gaarsiiyaan deegaanada ay matalayaan si loo abuuro shacab u diyaarasan in la helo Nabad iyo Nolol,waxuuna tilmaamey in la sameeyo madal wadatashi iney qayb ka aheyd balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya xiligii doorashada.

Arrintan ayaa timid Xilli Wasiir Juxa uu ballan qaaday inuu ka shaqayn doono Dib u hishiista beelaha Somaliyeed si loo helo xasilooni islamarkaana u hirgalaan dhammaan ballanqaadyada dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM