Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiis ay horey u diideen

Image
Heshiiskan oo lala galay Imaaraadka Carabta ayaa diidmadii horey loo cuksadey "in uu hal dhinac yahay".

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka oo kulan aan caadi lahayn yeeshay xalay ayaa meelmariyey heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo dowladda Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, heshiiskan ayaa waxa uu ku saabsan yahay "Iskaashiga, milatariga, iyo la dagaalanka Argagaxisada".

Heshiiskaan ayaa la horgayn doonaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Talaabadan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Golaha ayaa wadajir u ansixiyey Xeerka Gaadiidka Badda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindise-sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Buluugga ah iyo Heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku saabsan Iskaashi militari iyo amni, iyo la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradaha soo diyaariyey xeerarka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu tahay horumarka dalka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyey heshiiskii lagu gaaray shirkii dib u heshiisiinta Koonfur-Galbeed.
Ugu dambeyn Golaha ayaa uga tacsiyeeyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay waddankaasi, iyaga oo Alle uga baryay inta ku dhimatay naxariistiisa Janno, inta ku dhaawacantayna in caafimaad degdeg ah uu siiyo.


Golaha Wasiirada ayaa kulamo ay horey uga yeesheen heshiiska ku diidey sababo ku aadan in uu yahay "hal dhinac". Balse, cadaadis iyo dadaal dheer kadib waa ay meelmariyeen "iyadda oo aan isbadal lagu sameyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM