​Wasiirka Amniga Jubbaland oo ka badbaaday Qarax lagula eegtay duleedka Doolow

Image

DOOLOW, Somalia - Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), ayaa galabta si dirqi ah uga badbaadey Qarax lagula eegtay duleedka degmada Doolow, ee gobolka Gedo. 

Wararka aan ka helayno Illo-wareedyo ku sugan Doolow ayaa sheegay in Kolonyo Gaadiid ah, oo la socday Cabdirashiid Janan in lagu weeraray Qarax Miino, xilli uu kusoo jeeday degmadaasi, kana yimid dhanka magaalada Luuq. 

Wafdiga Wasiirka, ayaa waxaa qaraxan lagula eegtay Deegaanka Abow, oo qiyaastii 30KM u jirta Luuq, waxaana la soo sheegaya in mid kamid ah gaadiidkii galbinaysay uu ku burburay qaraxaas. 

Wali lama xaqiijin khasaaraha ciidamada ilaalada Janan kasoo gaarey weerarka. Askar gurmad ah oo ka baxday Doolow, ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa uga hortagey duleedka degmada, oo markii dambe si nabad ah usoo galbiyay.

Cabdirashiid Janan iyo Wasiirro kala ayaa u jooga gobolka Gedo kiiska dil labo maalmood kahor magaalada Balad Xaawo loogu geestay saddex dhalinyaro ah, oo lagala baxay saldhiga degmadaasi. Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyada weerarka Miino.

Mas'uuliyiinta Balad Xaawo, oo ku jiraan Gudoomiyaha degmada, Ku xigeenkiisa, iyo Taliyaha Nabad Sugida, ayaa loo xiray dilkaasi, waxaana lagu hayaa hadda degmada Doolow, oo la filayo in dhawaan Maxkamad lagu soo taago. 

Dhalinyarada la dilay, oo ku eedaysnaa tuhuno ah inay katirsan yihiin Al shabaab, ayaa la sheegay in ay toogteen Ciidamada Jubbaland, iyadoo aan Maxkamad xukumin, taasina waxay keentay xiisad dagaal oo mudo labo maalmood ah ka taagan Balad Xaawo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM