Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka oo gaarey magalaada Cadaado [ DAAWO]

Image

Cadaado- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia Cabdi Farax Siciid "Juxa" ayaa maanta booqasho ku tagey xarunta KMG ah Galmudug halkasoo la filayo in dhowaan ka dhacaan Doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Wafdiga Wasiirka arimaha gudaha hogaaminayo oo ka kooban xildhibaano labada aqal ah ayaa la filayaa in kulamo la qataan gudoonka Barlamanka maamulkaas iyo guddi Doorashada kuwasoo kala xaajoon doona sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada isku khilaafsan waqtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Wasiirka arimaha gudaha Somalia oo si diiran loogu soo dhoweeyey magalaada Cadaado ayaa warsaxafadeed kooban uu qabtey ku sheegey in safarkoodu ku saabsan yahay is-xogwareysi iyo kormeerka abaaraha ka jira gobolka.

Guddiga Doorashada maamulka Galmudug ayaa waqti u qabtey xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha maamulkaas taasoo ay diideen maamulka Ahlu Sunah kuwasoo gacanta ku haya magaalo madaxda maamulkaas Dhuuso mareeb.

Dowlada Federaalka ayaa horey hadal uga soo saartey sidii ay u jeclaan laheyd in dhinacyada kala duwan ee maamulka Galmudug heshiis ka gaaraan qabashada Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

HALKAN KA DAAWO BOOQASHADA WASIIRKA 

GAROWEONLINE  

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM