Wasiirka Gaashaandhigga oo fariin u diray dadka ka barakacay deegaanada la xoreeyay

Image

CEEL LAHELAY, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ugu baaqay dadka sida qasabka ah looga barakiciyay guryihii ay ka deganaayeen magaalooyinka Ceel lahelay iyo Ceel Garas in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadoodii.

Wasiirka oo maalmahan ku sugnaa deegaanka Ceel lahelay ee gobolka Galgaduud ayaa ku nuux-nuux saday in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowladda ay si buuxda uga go’an tahay u gurmashada iyo garab istaagga shacabka deegaanka ee ay waxyeelada kasoo gaartay kooxda ‘AS’.

Sidoo kale, Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nur ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay kaalin ee Ciidamada deegaanka ka qaateen taakuleynta Ciidanka Qaranka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Qaranku ayaa ka kaashanayo maamulka deegaanada dhawaan lala wareegay sidii adeegyada aasaasiga ah loogu soo celin lahaa deegaanadaas, taas oo u fududeyneysa dadka deegaanka ka qaxay in ay dib ugu soo laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM