Wasiirka Isgaarsiinta DFS oo sheegey waqtiga dib loo helayo adeega Internet Fiber Optic

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Isgaarsiinta Dowlada Federaalka Somalia Cabdi Cashuur ayaa  sheegey in Markabkii ka shaqeyn lahaa ciladii ku yimid Internet-ka fiber Optic uu maalintii Talaadada soo gaarey halka filada kasoo leexato.

"Marka kii ciladbixin lahaa  Internet Fiber Optica waxa uu soo gaarey duleedka Muqdishu maalintii Talaadada waxana la filayaa in maalinta Jimacaha uu ku soo dhowaado dekada Muqdishu" sidaas waxaa yiri wasiirka oo ka hadlayey ciladbixinta Internet.

Cabdi Cashuur aya sheegey in la filayo in maalinta Axada dib u soo noqdo adeegii Internetka isagoo sheegey in ciladu kaga jirto meel aan ka fogeyn xarunta Xalane.

Dhinaca kale Wasiirka Isgaarsiinta dowlada Federaalka Somalia ayaa beeniyey warar sheegaya in adeega Internet loo goostey deyman lagu yeeshey shirkadaha Isgaarsiinta.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM