Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dooxa kulan kula yeeshay Dhiggiisa Qatar

Image

DOHA, Qatar - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige, ayaa Kulan gaar ah oo maanta ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Qatar, Ali bin Ahmed Al-Kuwari.

Labada mas’uul ayaa yeeshay wada-hadallo ku saabsan horumarinta maaliyadda iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray barnaamijka deyn cafinata, iskaashiga dhanka horumarinta dhaqaalaha, xoojinta nidaamyada maaliyadeed ee muhiimka u ah dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hay’adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka Qatar. Kulamadan ayaa ujeedadoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sahminta fursadaha kobaca dhaqaale ee labada dal.

“Waxa aan maanta magaalada Dooxa kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari". ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Biixi oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ku sugan dalka Qatar, ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM