​Wasiirrada Somalia oo ka hadlay weerarkii PIZZA House

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixsadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo kamid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka Amniga ayaa golaha warbixin ka siiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Pizza House, wuxuna tilmaamay in falkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux oo kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, isagoo tilmaamay in 7 kamid ah dadkaas ay yihiin haween ku sugnaa halkaas waqtigii uu qaraxu dhacayay.

“Falkaas argagixiso wuxuu cadeeyey sida cadowga ummadeenu ugu heelan yahay daadinta dhiiggooda, waxaa cad in Shabaab ay yihiin koox ka fog diinteena marka loo eego dhacdooyinkooda, gaar ahaan midii xalay oo ay ku dileen shacab aan waxba galabsan”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow (DUCAALE) .

Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka argagixiso.

Dhanka kale, Shirka golaha ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin soo bandhigidda dakhliga soo xarooday oo golaha uu warbixin ka siiyey Wasiirka Maaliyadda Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM