Webiga Shabelle oo ku fatahay magaalada Beledweyn

Image

BELEDWEYN, Soomaaliya - Magaalada Beledweyn ayaa maanta waxaa ka dhacay daadad ku soo rogmaday guryaha dadka ku nool xaafadaha Xaawo Taaku iyo Kooshin iyo Buundaweyn.

Daadadkan ayaa sababay in dad badan oo magaalada deggan ay u barakacaan duleedkeeda, waxayna sidoo kale saameyn toos ah ku yeesheen isu socodka dadweynaha.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada Beledweyn ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin Daadadkan iyo saameynta ka dhalatay.

Daadadka noocan ah ayaa dhowr jeer ku soo noqnoqday magaalada Beledweyn sanadihii u dambeeyay, mana jiraan dadaalo la taaban karo oo looga hortagayo.

Gobolo kala duwan oo dalka ah ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay daadad ka dhashay roobab xooggan, taasoo sababtay dhimashada 19 qof, sida lagu sheegay tirakoobkii ugu dambeeyay ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM