Weerar ay ka qeyb-qaateen ciidamo cadaan ah oo laga fuliyey Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab laga fuliyey gobolka Jubadda Hoose, saacadihii lasoo dhaafay.

Gulufka oo si gaar ah uga dhacay degaanada Koban iyo Bangeeri oo ku dhow magaaladda Jamaame ay qayb ka ahaayeen ciidamo Ameerikaan ah, sidda ay shaaciyeen saraakiisha.

Bartilmaameedka ayaa wuxuu ahaa fariisamo ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku leeyihiin halkaas.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo taliska kasoo baxay, tirro dhowr oo Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa lagu duulaankaas, oo ay ku jiraan saraakiil sarre, balse aysan magacaabin.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda, ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarka oo dhinaca laga hayo illaa iyo haatan, wallow aan looga barin ay ka hadlaan jabkooda.

"Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo saaxiibadeena caalamiga ah ay nagala qeyb-qaateen, waana kuwa socday siina socon doono," ayuu yiri Korneyl ka tirsan Taliska Daraawiishta.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay maqleen daryenka rasaas culus oo labadda dhinac ay is-weedaarsadeen, taas oo khasaaro u geystay rayid.

Jubbaland ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqday in ay qaadeyso dagaal saf-balaaran oo ay Al-Shabaab kaga xorreyneyso degaanada ka maqan gacanka ee ay maamusho argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM