​Weerar lagu qaaday Guriga Guddoomiyihii hore Hodan

Image

MUQDISHU, Somalia- Weerar loo adeegsaday Bambaano ayaa caawa afurkii kadib lagu qaaday Guriga uu magaalada Muqdishu ka daganyahay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim.

Kooxo aan haybtooda la aqoon ayaa Qaraxa kusoo tuuray Guriga mas'uulkaas.

Majirto wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaas oo kusoo aaday xilli dhawaan xilka laga qaaday mas'uulkaas oo muddo soo ahaa Guddoomiyaha Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray weerarka kadib, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan oo aan ilaa hadda laga war hayn natiijada kasoo baxday.

Maaha markii ugu horaysay mas'uul katirsan degmooyinka gobolkaas weerar Bambaano lagu qaaday hoygiisa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay mas'uuliyiinta Banaadir iyo Guddoomiyaha xaafaddiisa qarax lala eegtay.

Kooxda Al Shabaab aya inta badan falalka caynkan ah ka fulisa magaalada Muqdishu gaar ahaan xilliga ramadaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM