​Wufuud Madaxweyne Gaas kamid yahay oo gaaray Cadaado

Image
Image

CADAADO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug, halkaasoo lagu caleemo saarayo Axmed Xaaf.

Gaas ayaa markii ugu horaysay booqday Cadaado oo ay ku shaqayso xukuumadda Galmudug, taasoo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyay muddooyinkii dambe oo qaybtood ka dhasheen dagaallo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Cadaado, waana mid si gooni ah loo xiisaynayay sida ay GO u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Socdaalkan ayaa ka duwanaa kuwa ay ku tagayaan madaxda maamullada sida; Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.

Madaxweyne Gaas kama uusan hadlin socdaalkiisa, balse waxaa dadku aad isu weydiinayaan isbadalka laga dhaxli galo safarka Gaas.

Dhinaca kale, waxaa goobta caleemo saarka tagay Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Somalia.

Xafladda oo aan wali bilaaban ayaa waxaa laga sugayaa Madaxweyne Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM