Xaaf oo ka hadlay weerar lagu qaadey huteel ku yaala Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle, ayaa ka falceliyey qaraxii lagu weeraray huteelka Global ee koonfurta magaaladda Gaalkacyo.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidda laga soo xigtay warbaahinta.

Huteelka la beegsaday waxaa shir ku lahaa saraakiil ka tirsan Ciidamadda Soomaaliya oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Lugta, Jeneraal Cabdixakiim Maxamed Dirir.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf, madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray eheladda dadkooda ay waxyeeladu kasoo gaartey falkaas argagixiso.

Taliye Dirir iyo saraakiil kale ayaa lagu waramayaa in ay ka badbaadeen dhacdadaan oo laamaha ammaanka ay ku eedeeyeen xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Hoos ka akhriso qoraalka

INAALILLAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay musiibada caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo oo ay kooxaha Argagixisada ahi Qarax kula eegtii Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday

Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo.

"Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan".


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM