​Xaaf: Soomaaliya badbaadin bay u baahantahay

Image

KISMAAYO, Soomaliya- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay inuu ka bad-baaday shirqool lagu raadinayay in xilka looga qaado, isagoo sheegay in ciidamo katirsan Milatariga dalka iyo kuwa nabad sugidda la keenay magaalada Cadaado si gacanta loogu soo dhigo.

Xaaf wuxuu sheegay inuu ka bad-baaday Afgambi iyo qorshe ka dhan ah dowladdiisa.

Isagoo ka qayb galayay shirka maamullada ee ka socda Kismaayo mudane Xaaf ayaa intaas ku daray in dalka Soomaaliya intii uu usoo joogay maanta uu ugu xunyahay waloow uusan sababta sheegin, balse wuxuu ku baaqay in loo istaago sidii loo bad-baadin lahaa.

Geelle, ayaa sidoo kale xusay in maamullado hormuud ka noqdaan sidii dalka loo bad-baadin lahaa islamarkaana ay uga qayb qaadan lahaayeen in wadanka laga celiyo wadiiqada liidata ee uu cagta saaray sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku baaqay in madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyadu ay isku xirman oo ay raadinayaan sidii la isugu soo celin lahaa shacabka Soomaaliyeed oo ku sifeeyay inay yihiin dad wanaagsan oo aad u fiican.

Hadalka Xaaf ayaa kusoo beegmay xilli maamulka Galmudug ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo keentay in Baralamanka qaar kamid kalsoonida kala noqdaan Madaxweynaha kadib markii uu xabisay Guddoomiyihii Barlamanka.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Madaxweynaha Galmudug

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM