Xaalka Gedo oo looga hadlay kulan ka dhacay Villa Soomaaliya

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa qadiyadan kala xaajoodey mas'uuliyiin uu horkacayo Axmed Madoobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiinta ugu saraysa Jubaland oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Maxamuud Sayid Aadan Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubaland ku matala gobolka Gedo.

"Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo ay xasarado ka jireen sanadahii lasoo dhaafay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowlada Jubaland ayaa dhawaan soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib Marka ay soo dhammaadan latashiyada bulshada gobolka".

Qadiyadda gobolka Gedo ayaa dhextaal u ahayd xasarada siyaasadeed ee Soomaaliya dhowrkii sano lasoo dhaafay, waxaana ay si weyn u jiheysay coddeyntii soo dhamaatay 15-kii May ee Xasan kusoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM