Xaalka Gedo oo looga hadlay kulan ka dhacay Villa Soomaaliya

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa qadiyadan kala xaajoodey mas'uuliyiin uu horkacayo Axmed Madoobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiinta ugu saraysa Jubaland oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Maxamuud Sayid Aadan Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubaland ku matala gobolka Gedo.

"Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo ay xasarado ka jireen sanadahii lasoo dhaafay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowlada Jubaland ayaa dhawaan soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib Marka ay soo dhammaadan latashiyada bulshada gobolka".

Qadiyadda gobolka Gedo ayaa dhextaal u ahayd xasarada siyaasadeed ee Soomaaliya dhowrkii sano lasoo dhaafay, waxaana ay si weyn u jiheysay coddeyntii soo dhamaatay 15-kii May ee Xasan kusoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Shuruud ku xiray mar 3aad inuu u tartamo xilka Madaxweynaha

Muqdisho kaliya ayaa la sheegay inay macquul tahay in dadweyne ka codeeyaan, maadaama dowladda 100% xukunto.

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 01:15PM

Khilaaf Siyaasadeed oo ka Dhex Qarxay Xafiisyada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warar la helayo ayaa sheegaya in kooxo siyaasadeed oo uu horkacayo Taliyihii hore…

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 12:55PM