Xamse: 1988-dii dowlad ayaa seddex shey ku samaysay dadka

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku baaqay in "ciidamada iska soo horjeeda" laga saaro magaalada Laascaanood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Bare, ayaa markii ugu horeysey wuxuu ka hadlay dagaalka magaaladda Laascaanood.

Xamse oo ka hadlay munaasabad lacag loogu uruurinayay Turkiga ayaa ku tilmaamay in ay nasiib darro weyn tahay in 35 sano kadib ay dhacayaan wixii horey looga geystay Hargeysa.

"1988-dii dowlad ayaa dadkii ay mas’uulka ka ahayd ku samaysay seddex shey oo ah duqeyn, layn iyo qixin, intii oo kale ayaa haddane ka dhacaysa Laascaano, waana nasiib darro," ayuu yiri.

Xamse oo ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha taagan ayaa Garaadada Laascaanood ka codsaday in ay aqbalaan xabad joojinta iyo wadahadalada ay ku baaqayso Somaliland.

Dhammaan ciidamada iska soo horjeeda ee ku sugan xarunta gobolka Sool ayuu dalbadey in laga saaro goobaha shacabka iyo gudaha magaalada, fursadna la siiyo wadahadalada nabadda.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa "wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaalida aysan weli ka korin fikirkii is maquuninta iyo isu xoog sheegashada.

Hadalka Xamse ayaa kusoo beegmay xilli maamulka Hargeysa gaar ahaan madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu ganafka ku dhuftey in uu "Laascaanood ka geysanayo ficilkii Siyaad Bare".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM