Xamse Cabdi Barre oo baaq u diray hogaanka hay'adda NISA

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa daahfuray Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta daahfuray Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan.

Xamse ayaa ku ammaanay Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay'adda.

Wasiirka koowaad ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay'addu sannadihii dhawaa, waxuuna ugu baaqay hoggaannada kala duwan ee hay'adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM