Xamse Cabdi Barre oo difaacay ku biirida Soomaaliya ee daladda EAC

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay kulanka u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Ururkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa galabta shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlayay u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto Ururkaasi.

Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen masuliyiin ka kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarow dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.

Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena.

Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed kamid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iib-geeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin.

Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaablka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha Horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul Wasaaraha, Cabdiqani Jaamac.

Wasiirka koowaad ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Bariga Afrika (EAC).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM