Xamse Cabdi Barre oo fariin u diray maalgashatada caalamiga ah

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Xamse oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya.

Wasiirka koowaad oo ka hadlayey sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami.

Cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha Soomaaliya ayuu u xaqiijiyey in uu suuqa u furan yahay, isla markaana la meel-mariyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye.

Dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah ayuu si gaar ah u xusay, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kalluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa'iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM