Xamse Cabdi Barre: Waxaan isku-qarinay wixii laga baqi jiray

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo difaacay go'aanadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay waxa uu magaaladda Muqdisho kaga qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo uu agaasimay maamulka Gobolka Banaadir.

Casho-sharaftaas ayaa waxaa loo sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran. Xamse ayaa "uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya".

Muqdisho ayuu "tilmaamay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan".

"Waxaan rajeynayaa waqti dhow in dhegxaanta laga qaadi doono. Waxaan rajeynayaa in waqti-dhow ay hoos u dhacdo tirada qaaliga ah ee guriyaha Muqdisho," ayuu hoosta ka xariiqay.

Muddadii ay socdeen shirarkii kala duwanaa ee Golaha Wadatashiga Qaran ayuu xusay in lagu gaaray go’aamo masiiri ah oo ay kamid yihiin, asteynta awoodaha dowliga ah, qaab dhismeedka amniga, hannaanka caddaaladda iyo hannaanka maamulka maaliyadda.

"Waxa uu ahaa shirkii lixaad oo ay isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana ay ku guuleysteen arrimaha waaweyn oo ay ahayd in horey loo gaaro kuna saleysan dastuurka," ayuu carabka ku adkeeyay.

In dalka uu yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen ayuu tibaaxay aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka wallow illaa haatan aysan jirin cid hadalka sidaas u dhigtey.

Siyaasiyiin uusan magacyadooda carab-dhabin ayuu ugu baaqay in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

"In dalku yeesho madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen kama dhigna in federaalka la burburiyey; waxay qeyb ka tahay dhameystirka dastuurka iyo in aan isku-qarinay wixii laga baqi jiray," ayuu yiri.

Dastuurka Soomaaliya ayaa noqdey mashruuc aan dhamaad lahayn kaasoo ay ku baxdey lacag tiro badan oo wali aan la tirokoobin, waana mid kamid ah arrimaha dhextaalka u ah khilaafka siyaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM