Xamse oo amar dul-dhigay masuuliyiinta hay’adaha ammaanka

Image
Dhawaqan ayaa waxa uu ka dambeeyay markii ra'iisul wasaaraha uu la kulmay hogaanka laamaha amniga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Sabtida maanta ah waxa kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen hey’adaha amniga federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Is-araggan ayaa si lamid ah waxaa goobjoog ka ahaa madaxda Taliska Booliiska heer federaal, hay'adda Nabadsugidda, Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Wadahadalkan ayaa waxaa lagu bandhigey Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan.

Xafiiska Xamse ayaa yiri "Kooxaha Khawaarijtu waxay caadeysteen [bishan oo kale] inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa".

"Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa aalaaba bisha Ramadan waxaa looga bartey fulinta weeraro iyo qaraxyo ay ka geystaan caasimadda wallow illaa haatan aanan la bixin wax digniin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM