Xamse oo amar dul-dhigtey madaxda Wasaarada Caafimaadka

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinta wasaarada waxa uu maanta la yeeshay kulan gaar ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka ayaa waxaa lagu furay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu mas'uuliyiinta Wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Masuuliyiinta mashaariicda Wasaaradda gacanta ku haya ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo Ra'iisul Wasaaruhu mid mid su'aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Xamsa ayaa, sidda uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta, waxa uu faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah.

Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyay in ax la taaban karo ka qabtaan sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanqaadkii ay horey u kala saxiideen.

"Waxaa uu si gaar ah u faray Wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu talagalay," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM