Xamse oo amar kasoo saarey goobo dan guud ay shacab dagan yihiin

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Isniinta maanta ah waxa uu daahfuray imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo Macallin .

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Isniinta maanta ah waxa uu daahfuray imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo Macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Xamse oo kormeerey goobaha lagu qaadayo imtixaanka oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le'eg oo macallimiin ah.

Wasiirka koowaad ayaa xusay in xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo saddex Milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da'dii waxbarasho.

Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda Imtixaanka ayuu Ra'iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka.

Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ka kala dhacaya 22 goobood oo ku yaal 11 magaalo oo dalka ah ayaa waxaa u fariistay 8 kun macallin.

Dhanka kale, Xamse ayaa ugu baaqay shacabka degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed hay'adaha amniga iyo wasaaradda waxbarashadana iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM