Xamse oo bixiyey amar la xiriira ammaanka caasimada Muqdisho

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir uu guddoomiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay "in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda".

Xamse ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shirka amniga caasimada kaasoo Khamiista maanta ah uu guddoomiyey isla markaana looga hadlay dardargelinta sugidda amniga Muqdisho.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa intaas ku daray in xukuumaddiisa ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.

"Guulaha la gaarey waxaa kamid ah in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor," ayuu tibaaxay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, saraakiisha hay’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada.

Xamse ayaa waxa uu tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM