Xamse oo fariin u diray agaasinka cusub ee hay'adda socdaalka

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay'adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaas oo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay'adda.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay'adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Xamsa ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo, isla markaana ah halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM