Xamse oo magacaabay guddi qabanaya shan shaqo culus

Image
Guddigan uu xushay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka kooban 10 xubnood oo u badan wasiiro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka.

Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1. Dr. Cali Xaaji Aadan Guddoomiye
2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Xubin
3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Xubin
4. Daa’uud Aweys Jaamac. Xubin
5. Khadiijo Maxamed Diiriye Xubin
6. Abshir Maxamed Axmed Xubin
7. Xirsi Jaamac Gaani Xubin
8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Xubin
9. Maxamuud Macallin Cabdulle Xubin
10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda

1.Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM