Xamse: Waxaa xilka qabtey iyadoo dalka ku jiray go'doon siyaasadeed

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ay xukuumadiisu ku shaacisay waxqabadkeeda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabad ay xukuumadiisa kusoo bandhigtey "wax-qabadkeeda" ayaa sheegay in uu xilka qabtey iyadda oo dalka ku jiro "go'doon siyaasadeed".

Sidda laga soo xigtey Xamse, Soomaaliya ayaa "xiriir fiican" la lahayn qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo inta badan dalalka dariska kahor inta uusan xilka la wareegin. Hadalkan ayaa loo arkaa mid uu ku durayo xukuumadihii ka horeeyay.

Xamse oo sii hadlaya ayaa tibaaxaya in sidoo kale uu jagada la wareegay "iyadda oo dadka ay la qabsadeen dhaqan ah in nala noolaado Al-Shabaab iyadda oo ciwaankuna ahaa af-daboolan dahab".

Lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayuu tibaaxay in dalka uu ka jiray "xasilooni siyaasadeed" iyo "guulo waaweyn oo laga gaarey dhinaca nabad-gelyadda iyo la dagaalanka Al-Shabaab".

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayuu ka shan-qariyey in sanadkan 2023 ay wasiiradiisu diiradda saari doonan deyn-cafinta, qabyo-tirka dastuurka iyo dib-u-heshiisiin, ciribtirka Al-Shabaab iyo daryeelka dadweynaha.

"Waxaa naga go'an in aan la noolaano bulshadeenna, sidoo kalena ka jawaabno su'aalahooda, dhageysano taladooda, tusaalahooda iyo toosintooda," ayuu hoosta ka xariiqey.

Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa sii raaciyey: "Xukuumaddu waxay yeelanaysaa dhaqanka ah in xilku yahay masuuliyad ee uusan ahayn meel la’isku sharfo, Isla xisaabtanku kuma eka hoolkaan iyo madashaan".

Inta badan mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyaa in mas'uuliyadda ay hayaan u arkaan "mid ay ku laafiyaadoonaa iyo xasaanad ay kaga gabadaan isla-xisaabtanka iyo in ay ku sameeyaan maal si xatooyo ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM