Xamse: Waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda waa loo tartamayaa

Image
Xamsa ayaa ka hadlay munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana ka soo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd.

Xamsa oo ka hadlayey munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey dugsiyadii tartanka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheeriga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay.

Wasiirka koowaad ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go'an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda, si meesha looga saaro in qofku uu danihiisa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad.

Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Banaadir, Macallimiin, waaliddiin, dadweyne iyo arday ka socotay dugsiyadii tartanka ka qeyb qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM