Xasan Sheekh iyo Recep Erdogan oo ku kulmay xaflad caleema-saar

Image
Madaxwayneyaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxay yeesheen wadahadal kooban.

ANKARA, Turkey - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Ordogan, oo dhawaan dib loo doortay.

Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas.

Waxa uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa waxa uu rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM