Xasan Sheekh: Lagama ganacsan karo agabka laamaha ammaanka

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu digniin u diray mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kala wareegi doonta ganacsadihii dalka keena agabka hay'adaha amniga, sidda uu ku dhawaaqay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh oo Jimcaha maanta ah ka hadlay masjidka ku dhex-yaalla Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho ayaa si gaar ah carabka ugu adkeeyay dareeska iyo gaadiidka ciidamadda.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux-sadey "in aysan dood badan ka taagneyn" in aan ganacsi ahaan dalka loo keeni kara aaladaha laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

"Konteenar tuute ah ayaa ii yaalo isoo daay waa dhamaatay iska ogow. Waa lala wareegaa, dowladda ayaa qaadanee, ogow. Baabuur Cabdile ah keeni ma kartid. Dareeska tuutaha keeni ma kartid. Waxa kale qarxa iskaba dhaaf iyaga awalba dood kama taagneyn kuwaas," ayuu yiri.

Ma cadda haddii ay jiraan ganacsato haatan ku lug leh mashruucan oo kiiskooda ay gacanta ku hayso dowladda federaalka iyo in hadalka madaxweynaha yahay natiijo ka tahay xog mukhaabaraad.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa digniin adag waxa uu hawada u mariyey mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka - Wasiiro illaa Xildhibaano - in ay ka dhaga-adeegaan amarada askarta taagan kontaroolada.

"Ninka mas'uulka ah ee inta [kontarool] soo istaago yaa ku jira baabuurkan fur la yiraahdo ee diida; isaga ka mas'uul ah [wixii dhaco]. Waa lala dagaalamaa ha ogaado. Amar cad ayaa la siiyey askarta," ayuu xusay.

Qaar kamid ah weeraradii ugu dambeeyay ee dagaalameyaasha Al-Shabaab ay ku beegsadeen xarumaha dowladda ayaa lagu waramay in ay isku-soo-ekeysiiyeen ciidamadda dowladda kana gubeen baraha hubinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM