Xasan Sheekh Maxamuud oo Jabuuti u tagay shir ku saabsan Suudaan

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa kasoo muuqan doona hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaas.

Meertada 14-aad ee IGAD ayaa, sidda ay sheegtey Villa Soomaaliya, waxaa sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka.

"Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD," ayay raacisay.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM