Xasan Sheekh Maxamuud oo qalinka ku duugay sideed sharci

Image
Guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu ku bogaadiyay talaabadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3 .Sharciga Socdaalka,

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu ku bogaadiyey sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan ayuu sidoo kale ammaanay waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed.

"Sharciyaddan waa sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxwayne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM