Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyey xalka colaadda Laascaanood

Image
Hadalka madaxweynaha oo wareysi siiyey telefishinka Al-Jazeera ayaa kusoo aadaya iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si dhow uga shaqaynaysa sidii ay nabad ugu soo celin lahayd maamulka Somaliland, sidda uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Xasan Sheekh oo wareysi siiyey telefishinka Al-Jazeera ayaa kusoo aadaya iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa maamulka Hargeysa iyo dadka degaanka Laascaanood.

"Waxaan rumaysanahay in midnimadu ay tahay wadada xalka kaliya...laakin kuma doonayno midnimadan rabshado, taas oo uga sii daraysa," ayuu Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay Tv-ga Qadar.

Rabshadaha xarunta gobolka Sool ayaa sii karaar-qaatay kadib markii odayaasha dhaqanka ay ku dhawaaqeen in ay hoostagayaan xukuumadda Muqdisho ayna dhulkooda ka baxaan ciidamada Somaliland.

Sida ay sheegeen bahda caafimaadka, colaadan ayaa galaaftey in ka badan 200 ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 1,000. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalkan ay ku barakaceen in badan 185,000 qof.

"Waxaan u ololeyneynay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay sidii aan marka hore u joojin lahayn rabshadaha, ka dibna aan u furi lahayn waddo wadahadal ah," ayuu Xasan sheekh sii raaciyey.

Somaliland iyo odayaasha dhaqanka Laascaanood ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto meel ay si rasmi ah isugu yimaadeen wallow ay la yimaadeen shuruudo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM