Xasan Sheekh oo afar qodob la wadaagay madaxda caalamka

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hogaamiyeyaashan kula kulmay shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) .

QAAHIRA, Masar - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka.

Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM