Xasan Sheekh oo amar dul-dhigay saraakiisha ciidamadda

Image
Hadalkan ayuu sheegay kadib markii uu booqdey degmadda Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axada maanta ah waxa uu gaaray degmadda Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal ka faafisay socdaalkan ayaa ku tilmaamtey "in madaxweynaha uu u kuur galayo xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta".

Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal.

Dadweynaha ayay "ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada".

Bulshada degmada Aadan-yabaal ayuu uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka isaga oo sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab".

Si degdeg ah ayuu xusay in loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ku xusan qoraalka, waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka.

"Guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Khawaarijta" ayuu ku bogaadiyey, isaga oo "faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM