Xasan Sheekh oo baaq kasoo saarey xasilooni darada Suudaan

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku biiray hogaamiyeyaasha caalamka ee ka hadlay qaddiyaadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bayaan ku qoran luuqada English-ka waxa uu walaac uga muujiyey xasilooni darada kasoo cusboonaatay Suudaan.

Dhinacyada dagaalamaya ayuu ugu baaqay in ay xabada joojiyaan iyo wadahadal ay ku dhameeyaan khilaafkooda. Beesha Caalamka ayuu ka codsadey in ay miiska wadaxaajoodka isugu keento darafyadda.

"Xaalada lasii huriyo iyo rabshadaha oo lasii kordhiyo kuma imaanayaa xalka caqabadaha ay wajahayso Jamhuuriyadda Suudaan," ayuu Xasan Sheekh ku yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka uu soo saarey.

Bayaanka Xasan Sheekh ayaa waafaqsan hadalo kasoo yeeray hogaamiyeyaasha caalamka kaasoo ku saabsanaa in xabada la joojiyo isla markaana ay wadahadal isugu yimaadaan dhinacyada is-haya.

Dhinaca kale, ku dhowaad 27 qof ayaa lagu waramay in ay ku dhimatay dagaaladii ilaa shalay ka dhacayay gudaha dalka Sudan, sida uu ku dhawaaqay ururka dhakhtaatiirta waddankaas.

Dhaawaca ayaa, sidda ku xusan diiwaanka dhakhaatiirta, waxa uu illaa haatan gaaray 150 qof iyada oo lasoo warinayo in goobaha qayb ee caasimada ay wali ku go'doonsan yihiin arday iskuulo ku jirtay.

Isku-dhaca oo u dhaxeeya milatariga iyo xoogaga RSF ayaa bilawday iyada oo noloshu si caadi ah u socotay caasimada Khartuum hase ahaatee laga walaacsan yahay in uu isu-rogo dagaal sokeeye oo dheeraada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM