Xasan Sheekh oo codsi u diray mudaneyaasha Golaha Shacabka

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay furitaanka kalfadhiga Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan shaki uga jirin in "argagixisada ay beegsan doonto shacabka maadaama ay ku jabeen" dagaalka uu ku dhawaaqay.

Hadalkan ayuu ka sheegay furitaanka kalfadhiga Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Dhawaqan wuxuu imaanaya xilli ay jiraan digniino dhanka nabad-gelyadda ah lana xiriira caasimada.

"Waxaan shaki ku jirin in maadaama aan dagaal ku jirno cadawgana uu jab weyn gaaray ay beegsan doonaan shacabka aan waxba galabsan, sida weerarkii 29 Oktoobar ay ku qaadeen zoobbe. Waxaan bogaadinayaa dadaalka ciidamada iyo shacabka oo u guntaday u gargaarida dadweynihii ku waxyeelobay. Waxaan Ilaahay SWT ka baryayaa inuu janadii Firdowza ka waraabiyo shuhudadaas geeriyooday," ayuu ka shanqariyey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxwaynaha ayaa ka dalbadey shacabka in ay ku garab siiyaan laamaha ammaanka sidii ay uga adkaan lahaayeen xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Sugida Amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ka sokoow, shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay Soomaaliya sharcigu sareeyo taas oo inaga rabta meelmarinta shuruuc la jaanqaadi karta xilligan aan ku jirno iyo duruufaha inoo gaarka ah. Iyada oo taas laga duulayo, waxaan Ra’iisul-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa faray in ay ka howlgalaan soo gudbinta dhammaan shuruucda uu Dalku u baahanyahay," ayuu tibaaxay.

Mudaneyaasha Golaha Shacabka ayuu waydiistey in ay fududeeyaan shuruucda kaga imaan doonta xukuumadda kuwaasoo la fahansan yahay in ay ku jiri doonan qaar khuseeya la dagaalanka argagixisadda.

"Waxaan si xushmadi ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad kalfadhigan cusub fududeysaan intii suurtagal ah dhammaan shuruucda idinkaga imaan doonaa Xukuumadda, shuruucdaas oo hiigsigoodu yahay arrimaha aan soo dulmaray," ayuu caddeeyay.

Sharciga ugu muhiimsan ee waqti-xaadirkan looga baahan yahay xukuumadda in ay dardargeliso waa kan la dagaalanka argagixisadda maadaama uu door ka qaadan karo ciribtirka ilaha dhaqaale ee maleyshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM