Xasan Sheekh oo difaacay ku biirida Soomaaliya ee dallada EAC

Image
Xukuumadda Muqdisho oo soo dhaweysay talaabadan ayaa ku tilmaamtay "guul diblumaasiyadeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib shir ka dhacay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, madaxda dalalka xubnaha ka ah Dallada Bulshada Afrika ayaa meelmariyay warbixin ku saabsan in Soomaaliya ay u qalanto kamid noqoshadda ururka EAC.

Muqdisho oo soo dhaweysay talaabadan ayaa ku tilmaamtay "guul diblumaasiyadeed," sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah.

Inkasta oo la diidey dalabyo horey loo gudbiyey, geedigan ayaa markii ugu horeysay waxa uu soo bilowday 2017-kii waxaana isku soo badalay xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo difaacay kamid noqoshadda Soomaaliya ee daladda EAC ayaa waxa uu hoosta ka xariiqey in ay sharciyeyneyso hantida ay Soomaalida ku haystaan wadamadaas.

"Meeqo ayaan nahay laakiin meeqo ayaa noo furan in aan la ganacsano. Hadaan nahay 20 milyan anagana naloo ogolaado suuq 400 milyan in aan ku ganacsano; mandiqa saxda ah waxa uu tilmaamayo waan wada garan karnaa," ayuu ku doodey.

Dallada Bulshada Bariga Afrika oo ah urur dawli ah ayaa waxa uu ka kooban yahay xubno todoba waddan ah kuwaas oo ku yaal gobolka harooyinka waaweyn ee Bariga Afrika.

Dowladahan ayaa kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Jamhuuriyadda Midowday ee Tansaaniya, Jamhuuriyadda Kenya, Burundi, Rwanda, Koonfurta Suudaan, iyo Uganda. Sanadka markii uu ahaa 1967-dii ayaa si rasmi ah loo aas-aasay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM