Xasan Sheekh oo digniin kasoo saarey xiisada siyaasada Puntland

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hogaanka Puntland waxa uu ku waaniyey in uu dhageysto codadka ka aragtida badan.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland ee salka ku haya is-qabqabsiga doorashada qof iyo cod.

Isaga oo ka dhex-hadlayey masjid ku dhex-yaalla Villa Soomaaliya salaadii Jimcaha kadib, Xasan Sheekh ayaa ku waaniyay hogaanka Puntland in uu dhageysto codadka waxgaradka ka aragtida duwan.

Iska-indha-tirida soojeedintaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay horseedeyso xasilooni-darro siyaasadeed iyo burbur dowladnimo taasoo dhabaha u xaari karta khal-khal amni iyo isgoys aad u khatar u ah.

"[Hogaanka Puntland] yaanu dadka ka talaabsan. Dad xikmad dowladnimo leh ayaa ku nool degaankaas ee hala dhageysto. Maanta meesha aad joogtaan 24-sano ayaad kusoo gaarteen. Laakiin waxaa suurtagal ah 24-maalmood ka yar in aad ku dumisaan," ayuu yiri.

Dhanka kale, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in maamulkiisa ay si weyn uga go'an tahay in uu la dagaalamo musuqmaasuqa ku dhex-baahay hay'adaha dowliga ah.

"Wiil yar oo qaata mushahar $400 illaa $700 ayaa daaro dhaadheer ka dhisanaya [Muqdisho]. 'Nin-karameed waaye' ayaa la leeyahay. Laakiin xaqiiqaddu waxay tahay waa tuug," ayuu ka shan-qariyey.

Dadweynaha iyo howlwadenada dowladda ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay kaalin mug leh ka cayaaraan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa musuqmaasuqa isaga oo qiray in taas ay waqti badan qaadan doonto.

Hadalka madaxweynaha ayaa sababay falcelin kala duwan taasoo ay dadweynaha ku muujiyeen aragtidooda. Qaar badan ayaa soo dhaweeyay, halka kuwa kale ay ku doodeen in uusan is-waafaqsaneyn hadalkiisa iyo ficilkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM