Xasan Sheekh oo iclaamiyey "ciribtirka siyaasiyiinta la leeyahay"

Image
Waa markii ugu horeysey oo uu madaxweynaha uu si cad uga dhowaajiyo hijada uu u socdo siyaasad ahaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu farriin u direy siyaasiyiinta uu sheegay in ay xilligan ka fikiraya doorashada 2026-da iyada oo lix bilood uun laga joogo doorashadii lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh oo sjalay ka hadlay masjid ku dhex-yaala Villa Soomaaliya ayaa xusay in inkasta oo ay fiicantahay in uu qofka yeesho qorshe mustaqbalka ah, haddane qaabka wax loo raadinayo ay tahay mid aad u qaldan.

"Rag iyo gabdho ayaa maanta kasii fikiraya [2026-ka]. War horta cimrigaaga ilaahey maku gaarsiinayaa? Xataa haddaan ka fikireyso side uga fikiree? Waa fiican tahay qofka in uu qorshe yeesho," ayuu carabka ku dhuftey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa durey xildhibaanada hayinka u ah madaxda dowlad goboleedka, wuxuuna wacad ku maray in afarta soo aadan uu afjari doono madaxwayneyaasha maamulada ee "la leeyahay".

"Waxaan ka shaqeynaynaa in qofka Soomaaliga ah ee siyaasadda soo aadayo in aanu qof marti u noqon. Nin qof leeyahay in aanu siyaasadda ka shaqeynin waa ka shaqeynaynaa ilaahey idinkiisa," ayuu xusay.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in maamulkiisa uu soo saari doono wakiilo ay shacabka soo doorteen, una adeegaya "danta dalka, dadka, diinta iyo dowladnimadda oo uusan qof lahayn".

"Furaha arrintaas oo dhan waa in aan dalka Shabaab ka saarno," ayuu sii raaciyey. Dowladda federaalka ah ayaa waxay haatan waddaa guluf saddex geesood ah oo ka dhan ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Waa markii ugu horeysey oo uu madaxweynaha dowladda federaalka uu si cad uga dhowaajiyo hijada uu u socdo siyaasad ahaan, taas oo ah qof iyo cod, ama doorasho ka hufan sidii hore oo loo simanyahay ka qeybgalkeeda.

Hadalkan u dambeeyay wuxuu kusoo beegmayaa xilli Koonfur Galbeed ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Laftagareen kaasoo mucaaradkiisa ay sheegeen in uu xilligiisu dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM