Xasan Sheekh oo Ireland waydiistay taageerida "kacdoonka shacabka"

Image
Image
Image
Codsigan ayuu hordhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland, Simon Coveney.

QAAHIRA, Masar - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland, Simon Coveney.

Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Simon Coveney xoojinta xiriirka Labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee hoggaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xilligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee adkaa.

Warbixin ayuu ka siiyey halganka wadajirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xoreynayaan argagixisada iyo dadaallada xooggan ee gurmadka abaaraha, waxa uuna ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay arrimahaas gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Coveney ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah, waxa uuna sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Inta ay ku sugnaayeen magaaladda Sharma Sheekh ee dalka Masar, wafdiga uu horkacayay Xasan Sheekh ayaa ku soo bandhigay caqabadaha xooggan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada iyo sida loo wajihi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM