Xasan Sheekh oo kamid noqday Baarlamaanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxa'uud ayaa maanta oo Sabti ah kamid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu dhaariyay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdishu, oo Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta ku laahaayeen kulankooda Labaad, ee Kalfadhiga koowaad.

Xasan Sheekh ayaa ahaan doono Noloshiisa inta ka dhiman Xubin Dastuuri ah oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Baarlamaanka golaha Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Qodobka 64aad ee dastuurka dalka Somalia, ayaa u ogolaanaya qofkii Madaxweyne ka noqda waddanka in lasiiyo xubin sharafeed Xildhibaanimo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne kasoo ahaa Somalia September, 2012 illaa February, 2017, waxaana uu u tarmayay mar labaad Xafiiska, balse waxaa ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka Barlamanka ayaa sidoo kale maanta looga hadlay ajandayaal ay kamid yihiin wax ka bedelka Xeer-hoosaadyada uu kusoo shaqeeyay Baarlamaankii 9-aad, iyo arrimaha gurmadka Abaaraha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM