​Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaano katirsan labada aqal [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamanka Federalka Somalia.

Kulankaasi Cashada ahaa ayaa ka dhacay Muqdishu iyadoo labada dhinac is-weydaarsadeen arrimo ku aadan doorashada Somalia ka dhacaysa 08 Febreuary 2017.

Xasan sheekh ayaa casho sharafta uu u sameeyay Mudanayaasha golaha Shacabka Somalia, wuxuu uga hadlay ajandayaashiisa siyaasadeed isagoo ka codsaday inay siiyaan kalsoonidooda si uu usoo dhammaystiro howlaha qabyada ah.

Badi Xildhibaanada joogay xafladdaas ayaa u badnaa taageerayaashiisa siyaasadeed iyadoo ay wehelinayeen Madaxweynaha xilka ka qaadeen Barlamanka Galmudug Cabdikariim Guuleed iyo ku-xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Arrintan ayaa qayb ka ah loollan uu Madaxweynihii hore Somalia ugu jiro sidii uu xilka ugu soo bixi lahaa mar labaad, wuxuuna munaasabadda kusoo aadiyay xilli shalay Guddiga doorashadu kusoo saareen liiska murashaxiinta buuxisay shurudihii looga baahnaa.

Doorashada Somalia waqtigii ay dhici lahayd waxaa ka harsan maalmo kooban, iyadoo aad looga dareemayo magaalada Muqdishu xilli murashaxiintu kulamo kala duwan la leeyihiin golaha wakiillada labada aqal si ay u xod-xotaan codadkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM