Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay ujeedada socdaalka madaxweynaha.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo, ayaa soo dhaweeyay wafdiga Xasan Sheekh.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal kooban kasoo saartey socdaalka Xasan Sheekh ayaa sheegtey in ujeedadu tahay "dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka".

"Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas waxaa la raaciyey: "Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM